Archive for the ‘Latest News’ Category

Booliska Pakistan oo Toogasho ku Dilay Shan Qof oo Looga Shakiyey Taliban

June 28, 2009
photo File

photo File

Pakistan (Baligubadle News) Booliska dalka Pakistan ayaa sheegay inay dileen shan qof oo looga shaki qabay in taageer sanaayeen kooxaha dawlada ka soo horjeeda ee ku xidhan dagaal yahanada Taliban ee ku sugan gudaha caasimada dalka Pakistan ee Karachi.

Masuul sare oo ka tirsan booliska wadanka Pakistan ayaa waxa uu sheegay in weeraraka ay ku dileen shantaas nin uu ka dhacay waqooyiga caasimada ee Karachi maanta oo sabti ah.

 

Shantan nin ee lagu dilay gudaha dalka Pakistan ayaa la sheegayaan in dhawaan ka soo gudbeen xadka dalka Pakistan la wadaago Afgan ee Waziristan.

 

Sidoo kale dhawaan ayey ahayd markii ciidamada booliska ee Pakistan ay dib uga dhaceen hawl galada ka  dhanka ah xoogaga sida weyn uga soo hor jeeda ee Taliban, taasi ayaa keentay in si weyn ay kooxaha taalibanka taageersani si baaxda lagu fidaan gudaha magaalooyinka gacanisga ee ku yaal Karachi.

 

Dhawaan ayey ahayd markii qarax lala beegsaday dalka Pakistan, qaraxaas oo loo adeegsaday gaadhi laga soo buuxiyey waxyaabah qarax, waxaana ku dhintay laba askari halka ay ku dhaawac meen tiro kale oo shacab ahi qaraxaasi oo ka dhacay Gobolka Kashmir markii ugu horaysay.

 

Af hayeen u hadlay booliska wadanka Pakistan ayaa sheegay in bilihii ugu danbeeyey ay si weyn u soo korayeen kooxaha Taliban ka ah ee ku sugan gudaha dalka Pakistan gaar ahaan Karachi.

 

Xoogag daaliban ee sida weyn uga dagaalaba dalka Afghan ayaan ilaa hada qabashada shanta nin aan ka hadalay.

 

 

Xafiiska Wararka ee Balibudable

Burao/Somaliland

Reported by:

Ibraahim Abdirahman Qaasim

Qaasin05@hotmail.com